Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka oo La Kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka…

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka, Mr.Xamze Cabdi Barre, ayaa hortagay Guddoonka Baatlamaanka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii dib loogu celiyay Tiro Shuruuc ah oo loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka iyaguna diideen iney qabtaan…

Kulanka oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mr.Aadan Madoobe ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta  ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta, Mr.Xamsa, ayaa  ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah Dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo Amniga, iyagoo gudanaya waajibkooda Dastuuriga ah , waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan  shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Iyadoo la sheegay in markii ugu horeysay uu khilaaf ugub ah ee soo kala dhex galo Gudoonka Golaha Fulinta iyo kan sharci dejinta, lamana yaqaano waxa lagu heshiiyay balse Xafiisyadaan ayaan looga baran iney wada shaqeeyaan maadama Maamuladii hore ay isku milmeen.

260510cookie-checkWasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka oo La Kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com