Markabka Xamuulka Mv Lila-Norfolk & Bad-maaxiintii Saarneyd oo la Soo Furtay…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Ciidamada Marines-ka Dalka India ay ku soo furteen Markab Xamuul ah iyo Bad-maaxiintii saarneyd oo kooxdq Burcada Soomaalidu afduubteen maalintii khamiistii tagtay meel ka baxsan xeebaha degmada Eyl ee Puntland Somalia..

Qoraal ay doo saareen Ciidamada India ayaa lagu sheegay in dhamaan 21-kii Bad-maaxiintii saarneyd Markabka Xamuulka MV Lila-Norfolk laga soo daadgureeyay meel u dhow aaga uu ku xornaa Markabka, mana jirin Dabley burcad badeed ah oo loogu dhex tagay gudaha Markabka, iyadoo ay Ciidamadu sheegeen iney baxsadeen Maleeshiyaadku intii aysan Ciidamadu howlgalku bilaabin.

Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaado Maraakiibta Xamuulka meel u dhow xeebaha Degmada Eyl ayaa dhaliyay shaki iyo walaac ku aadan iney Burcad badeedku dib u soo noolaadaan xilli ay Badweynta India, Gacanka Cadmeed iyo Badda cas ay ku sugan yihiin maraakiib dagaal oo tiradoodu kor u dhaafayaan 50-60, Markabkaan oo xiran Calanka Liberia ayaa ku sii jeeday Dalka Bahrain.

298880cookie-checkMarkabka Xamuulka Mv Lila-Norfolk & Bad-maaxiintii Saarneyd oo la Soo Furtay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com