Wajiga Cusub ee Shababka & habacsanaanta Hogaanka Siyaasada & Ciidamada

Somalia news

Aqoonyahanno badan oo Soomaali ah ayaa isku raacsan in aqoon yarida & Faham la’aanta xagga Khibrada Ciidamada ay Madaxweynayaasha Somalia ee dejinta qorshaha la dagaalanka kooxaha argagixisada ay fududeysay iney kooxahaan ku dhiiradaan iney fuliyaan Howlgalada ay dejiyaan…

Hogaamiyayasha Siyaasada waa iney qiraan in Hogaanada iyo Laamaha Amaanka aysan la jaan qaadi karin isbedelada iyo qorshaha xowliga ku socda dejinta & fulinta weerarada qorsheysan, iyadoo Xafiiska La-talinta Amniga Madaxtooyada, kan Wasiirka 1-aad & Saraakiisha amaanku aysan marnaba dib darasad ugu sameyn weerarada ay fuliyaan kooxaha argagixisada.

Khabiir ku xeel dheer arrimaha Amniga gudaha ayaa ka digay in Kooxda Shababka 2022-ka ay wax badan iska bedeleen Istrateejiyadoodii dagaal iyo kor u qaadida baahidooda dhaqaale si loo fuliyo Howlgalada baraha bartilmaameedsan ee muddo la soo daraaseeyay si loo fuliyo.

Tusaale ahaan goob ay joogaan ku dhowaad 4-isbaaro & 300 oo Ciidamada Dowladda ah la weeraro lana qabsado isla markaasna laga dagaalamo in ka badan 30-saacadood, isla markaasna dib uga gurtaan inta aan la dumin, halkaasi waxaa ka cad Farsamo xumo iyo in dib loo baaro Dhinacyada fududeeyay in howlgalkaasi la fuliyo, hadii kale ha socdo gumaadka Shacbiga ay Mas’uiliyadoodu u dharteen Tacsi iyo Cambaareyn wax waxqabadkoodu ha ku dhamaado.

209930cookie-checkWajiga Cusub ee Shababka & habacsanaanta Hogaanka Siyaasada & Ciidamada