Siyaasadaha Iska soo Horjeeda ee Garabyada Ethiopia/UAE oo Dhinac ah vs Egypt & Somalia..

Somalia news

Waxaa xowli ku socda ololaha ay wadaan Isbaheysiyada iyo Siyaasadaha iska soo horjeeda ee Garabayada Ethiopia, UAE oo dhinac ah iyo Egypt iyo Somalia oo dhinac kale lagu kabay Sacuudiga, iyadoo Isbaheysiyadaan oo dano Istraateeji ah isku keenay ay dib u dhac iyo dhibaato xoogan u keeni karaan dagaalka Dowladu kula jirto Kooxaha Argagixisada…

Ra’iisul wasaaraha qar iska tuurka ah ee Ethiopia oo dhowrkii ee u dambeysa wajahaayay culeysyo Siyaasadeed oo uu kala kulmayay Dibada iyo Gudaha Ethiopia, iyadoo lagu xasuusto Dagaalkii Sudan, dagaalkii/Xasuuqii uu ka geystay Gobolka Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal barakicin ah ka wadaa Degaanada Amxaarada iyo Oromada kuwaasoo diidan siyaasadiisa qaris ka tuurnimada…

Khubarada ku takhasustay Xeerarka Caalamiga ah ayaa Hogaanka Dalka Ethiopia ku eedeeyeen inuu jabiyay mid kamid ah Mabaa’dida Aas-aasiga ah ee Ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, isagoo fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah Dalalka Midowga Afrika oo ah (Somalia), kadib markii heshiis bug ah ay ku doonaayaan iney si xoog ah u qaadato Xeebta Degmada Lughaya.

Xogo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Saraakiisha Sirdoonada UAE & Ethiopia ay wadaan qorshayaal Martiqaad loogu fidinaayo Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Puntland (Mr.Deni) inuu safaro ku kala bixiyo Magaalooyinka Addis abeba iyo Abu Dhabai, lagana yaabo in la kulansiiyo Muuse & Deni si culeys siyaasadeed loo saaro Villa Somalia, talaabadaan ayaa u muuqata mid hoose loogu dhigaayo hadal heynta iyo fal celin badan ee ka dhalatay Heshiiska Is-fahamka ee Somaliland iyo Ethiopia.

Ku darsoo Ergo ka socota Dalka Egypt aya dhawaan soo gaaray magaalada Mogadishu, Wafdiga ayaa u gudbiyay Madaxweynaha casuumaad rasmi ah, xilli xiisad xoogan ay ka dhaxeyso Somalia iyo Ethiopia, taasoo ka dhalatay heshiiska ay Addis la gashay Maamulka Somaliland ee sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Somalia.

299690cookie-checkSiyaasadaha Iska soo Horjeeda ee Garabyada Ethiopia/UAE oo Dhinac ah vs Egypt & Somalia..