Maxaa Xiligaan Keenay In Senator & Xubno kale Laga Horistaago iney Gaaraan Gobolka Gedo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal is hortaag ah oo Saraakiisha NISA ee garoonka Diyaaradaha magaalada Mogadishu ku fulinaysa Senator ka tirsan Aqalka Sare iyo Xubno kale oo ku wehliyay kuwaasoio doonaayay iney Safar shaqo ku tagaan Gobolada Gedo oo ay ka soo jeedaan…

Xogtaan ayaa sheegtay in Senator Cabdullaahi Sheekh Fartaag iyo xubno kale oo ku beel ah laga hor istaagay iney ja dhoofaan Garoonka Diyaaradaha, waxaana amarka lagu celiyay laga soo saaray Madaxtooyada, Xubnahaan ayaa ka tirsan kooxda UPD ee (Madaxweynaha), balse ku kala aragti duwan yihiin hananka abaabulka dagaalka.

Senator Fartaag oo ay wehliyeen Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa doonayay iney gaaraan degaanadaasi si ay u abaabulaan duulaan ka dhan ah kooxaha argagixisada kana madax banaan Maamulka Jubbaland, Saraakiisha Madaxtooyada ayaa shaki ka qabta in qorshe Gedo looga bilaabo duulaan ka dhan ah kooxahan, oo aysan garwadeen ka aheyn Dowlada Federaalka ama Dowlad Gobokeedka Jubbaland, ay ka dhalan karaan xurguf siyaasadeed.

219200cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay In Senator & Xubno kale Laga Horistaago iney Gaaraan Gobolka Gedo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com