Madaxweynaha Puntland Oo Waji gabax kala kulmay Kulankii Wakiilada Beesha Caalamka

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kulankii shalay ka dhacay magaalada Nairobi una dhaxeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa gababsiga yahay ee Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo looga hadlay ka maqnaanshaha Kulamada Masiiriga ah ee Golaha Wadatashiga Qaran…

Warsidaha Diinah.com news ayaa ogaatay in Deeq-bixiyayaasha ay u sheegeen Mr.Deni in maqnaanshihiisa Shirarka Dowladda Federaalka & Maamulada Dalka ay dhaawac ku tahay geedi socoka “Dowlad dhiska Somalia”, waxaana lagu wargeliyay iney shirarka ka qeyb galaan isla markaasna Tabashadooda ay ka jeediyaan.

Xogtaan ayaa xustay in Mr.Deni uu ku fashilmay in Safiirada ka iibiyo aragtidiisa ku aadan inuu ka sii maqnaado Kulamada, ayaan darrase waxaa lagu cadaadiyay inuu iska xaadiriyo Kulamada, waxaa la xasuusiyay in Cawaaqibka ka dhalan kara dib u dhacyada ku yimaada guud ahaan geesi socodka dib u dhiska Dowlad dhiska iyo dob u habeynta Ciidamada, Canshuuraha iyo deyn cafinta.

247510cookie-checkMadaxweynaha Puntland Oo Waji gabax kala kulmay Kulankii Wakiilada Beesha Caalamka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com