Horjoogaha Maamulka Waqooyiga Somalia Oo ka Hadlay Falaagada Hubeysan ee Gacan-Libaax…

Somalia news

Madaxa Maamulka Somaliland oo ka hadlaayay munaasabad bandhiga Buugagta, ayaa welwel ka muujiyay Kacdoonka kooxda Hubeysan ee dhanka ka ah Maamulkiisa, oo fariisinka ku leh buurta Gacan libaax, iyagoo ku goodiyay iney dagaalo ku qaadi doonaan hadii aan deg deg loo dejin qabashada doorasho xor iyo xalaal ah…

Mr.Biixi ayaa ka digay khatarta ka imaan karta jabhadaasi, iyo ineysan Shacbigu xiligaan daneynin iney colaad dhex marto beelaha Walaalaha ah, wuxuu carabka uu ku adkeeyay in la buunbuuniyo Maleeshiyo beeledka hubeysan ee baraha bulshada laga xayeeysiiyo, isagoo carabka ku adkeeyay ficilada Hogaamiyayaasha Xisbiyada ay sabab u noqdeen in Kooxdaan ay hubka qaataan.

https://fb.watch/m78RFLgqpV/?startTimeMs=11000

Loolanka Siyaasadeed ee Garabyada Xisbiyada mucaaradka ee abuurmo marka ay doorashada wakhtigeeda la gaaro ama la dhaafo ay dhici karaan kooxo ka Faa’iideysta oo culeys ku saara Maamulka inuu qabto Doorashada uusan wakhti ku lumin muddo kordhin sharci darro ah iyo hanjabaado, sidaas darteed Maamulka Somaliland waxaa looga fadhiyaa iney doorashada qabtaan.

269190cookie-checkHorjoogaha Maamulka Waqooyiga Somalia Oo ka Hadlay Falaagada Hubeysan ee Gacan-Libaax…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com