Maxaa Lagu Maagay Mootooyinka ka Dhex Shaqeeya Garoonka Diyaaradaha & KM-4

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa muujinaaya in Taliska Hay’adda NISA ay shaqo joojin ku sameeyeen tiro Dhalinyaro ah oo ka shaqeysan jiray Mootada loo yaqaano Faykoon, kuwaasoo ka shaqeeya inta u dhaxeysa KM4 iyo ilaa afaafka hore ee Garoonka Doyaaradaha ee Magaalada Mogadishu..

Wararka ayaa sheegay in Dhalinyaradaan oo ahaa muruq maal qoysaskoodana ka quudin jiray waxa ay ka helaan Rakaabka ay qaadaan ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta loogu sameeyay shaqo joojinta, iyadoo hadda qofkii kasoo daga ama ka duula garoonka Aadan Cadde qasab looga dhigay inuu raaco gaadiidka Shirkadda Sahal oo qaali ah markii loo eego Mootooyinkii shaqa joojinta lagu sameeyay, oo Rakaabka ku qaadi jiray hal $ Qofkii.

Wadayaasha Mootooyinka (Faykoonka) ayaa ahaa gaadiid muhiim u ah dadka musaafurka ah & kuwa ka shaqeeya Garoonka, waxayna halkaas ka shaqeynayay xiliyo adag, laakiin lama oga sababta hadda loo beegsaday, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Shirkada Sahal ay cabasho ka gudbisay.

243600cookie-checkMaxaa Lagu Maagay Mootooyinka ka Dhex Shaqeeya Garoonka Diyaaradaha & KM-4