Xoogaga Amaanka Boosaaso Oo Kulan ka Yeeshay Qaraxyada Magaalada..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo la farsameeyay oo lagu tuhmaayo iney maxali yihiin ayaa Bilihii ugu dambeeyay welwel cabsi ku haya Dadka Rayidka Magaalada, iyadoo Kulan ay yeesheen Guddiga Amaanka Gobolka lagu go’aamiyay in wax laga qabto..

Wararka ayaa sheegay in habeen hore uu qarax macmal ah lagu qarxiyay gudaha magaalada iyo falal kale oo amaan darro, wqxeyna Xoogaga Amaanka bilaabeen howlgalo lagu xasilinayo Amniga Magaalada Boosaaso islamarkaana magaalada looga sifaynayo kooxaha Argagaxa iyo khalkhal gelinta ku haya Shacbiga.

Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray Amaro lagu xaqiijinayo amniga Hubka magaalada Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub sidoo kalena aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah, Magaalada ayaa weli ku jirta kala qeybsanaan taasina dib u dhac ku tahay xaqiijinta Amniga guud.

303020cookie-checkXoogaga Amaanka Boosaaso Oo Kulan ka Yeeshay Qaraxyada Magaalada..