Maxaa Hortaagan in Khilaafka Saciid Dani & Axmed Karaash la Xaliyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya inuu dib u soo laba kacleeyay khilaafkii Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyadoo isku dayo dhowr oo la doonaayay in lagu xaliyo uu ku soo dhamaaday Natiijo la’aan..

Khilaafkan oo curtay horaantii bishii May, xili Mr.Saciid Deni uu u joogay Muqdisho tartanka doorashada Madaxweynaha DFS, ayaa salka ku hayay magacaabista xubno ka badan 20 oo uu sameeyay Axmed Karaash, isagoo sidoo kale xilalka ka xayuubiyay Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, iyo Amniga oo kamid ah saaxiibada dhow ee Madaxweyne Deni magacaabayna Wasiiro kale.

Dhowaan markii Saciid Deni uu kusoo laabanayay Puntland, ayaa lagu heshiiyay in la dhameeyo khilaafka labada nin, Iyadoo loo marayo xalinta tabashada Axmed Karaash, balse heshiiskaas ayaa u muuqda mid aan dhaqangelin weli.

Qabsoomid la,aanta Shirarkii Golaha Wasiirada Puntland, oo u baaqday khamiistii dhaweyd ka cudur daarashada Axmed Karaash iyo in aan weli lagu baahin kulamada iyo shaqooyinka Madaxweyne kuxigeenka baraha bulshada ay Madaxtooyadu ku leedahay ayaa muujinaya jiritaanka khilaafka Deni iyo Karaash.

Si kastaba, Dadaalo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, laguna xalinayo khilaafka labada nin ayaa socda, waxaana hoos loo dhigay wararka la xiriira khilaafkooda.

193140cookie-checkMaxaa Hortaagan in Khilaafka Saciid Dani & Axmed Karaash la Xaliyo