Cabasho laga soo saaray Islam Naceybka ku soo Badanaaya Dalka Mareykanka..

U.S.

Cabasho ayaa laga laga soo saaray Dalka Mareykanka kadib markii ay aad u kordheen Sanadkii tagay falakaan naceybka kaasoo gaaray 63%, qiimeyntaan ayaa lagu xusay mugga cabashooyinka ay u gudbeen Caruurta Muslimiinta ee Dugsiyada dhigta, waxeyna noqdeen bartilmaameed u nugul tacadiyadaan…

Warbixin uu soo saaray Guddiga xiriirka Muslimiinta America CAIR ayaa lagu xusay in kororkaan xoogan ee ku yimid Islam naceybka ayaa lagu fasiray mid takoor ah oo bulshooyinka kake uu xitaa saameyn ku yeeshay, iyadoo sidoo kake weerar lagu qaadaato Dugsiyada Waxbarashada ay aad u kordheen sanadihii ugu dambeeyay.

Dad badan ayaa aaminsan in Dadka Mareykanka aaney weli u qaadan in Muslimiinta ay qeyb ka mid ah Bulshooyinka dalkaasi ku nool, iyadoo Dugsiyada Waxbarashada ay noqdeen goobo ay si joogto ah uga dhacaan Gacan ka hadal iyo caga-jugleyn, aflagaado joogto ah, marka waa nasiib darro in Caruurta Muslimiinta lagu xadgudbo.

Siyaasiyiinta USA qaarkood ayaa dhiiri geliya in lagu xadgudbo Muslimiinta, waayo waxey jeediyaan khudbooyin naceyb ka muuqdaan, sidoo kale Hey’adaha Maaliyada ayaa dhinacooda ka wada olole lagu bartilmaameedsanaayo Muslimiinta waxeyna daba gal iyo baaris joogto ku hayaan Ururada Muslimiinta.

253520cookie-checkCabasho laga soo saaray Islam Naceybka ku soo Badanaaya Dalka Mareykanka..