Ma Dhabaa In Saraakiisha Amaanka La Shireen Gadisleyda & Ganacsatada Magaalada Mogadishu

Business Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Suuqyada magaalada Mogadishu qaarkood, si hoose ay uga wadeen Saraakiisha Nabadsugida kulamo qarsoodi ay la yeelanaayeen Ganacsatada Suuqyada qaarkood kuwaasoo la sheegay iney laba Canshuurood ka bixiyaan Ganacsigood si ay uga badbaadaan Hanjabaadaha kooxaha Argagixisada…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Kulamadaan diiradda lagu saaray caqabadaha jira, dadaallada & Qorshaha ay Dowladdu ku doonayso in Kooxaha Argagixisada meel looga soo wada jeesto, ugu yaraana la yareeyo Bixinta Baada (Canshuurta), Gadisleyda qaarkood ayaa la wadaagay saraakiisha amniga in Unugyada kooxaha argagixisada aysan ku dhiira karin inay suuqyada Muqdisho yimaadaan, balse ay telfoonada u soo diraan una sheegaan iney iska xaadiriyaan xarumahooda Garsoorka, loona baahan yahay in Shirkadaha Telephonada lagu soo daro wada tashiyada.

Saraakiisha ayaa Ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha liita ee aragagixisadu ay ku doonayaan inay ku baadaan Ganacsatada iyo Shacabka Muqdisho, iyadoo laga wada dheregsan yahay in jiraan Boosteejooyin iyo Gadiid gaar ah oo Ganacsatada ka qaada Magaalada si ay u geeyaan Goobaha ku yaal Maxkamadaha Shababka ee duleedyada magaalada Mogadishu.

203980cookie-checkMa Dhabaa In Saraakiisha Amaanka La Shireen Gadisleyda & Ganacsatada Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com