Maxaa ka Run ah in Hogaanka Rugta Ganacsiga oo lagu Eedeyay inuu Xiriir la Leeyahay Kooxaha Argagixisada..

Somalia news

Macluumaad ayaa muujinaaya in Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Maxamuud C. Cali (Gabeyre) ayaa lagu eedeeyay inuu isticmaalay awood ka baxsan Nidaamka Rugta u degsan, isagoo inta badan ku takri falay awoodiisa, kadib sanado badan oo uu wax isdaba marin iyo musuq maasuq ku haya Xafiiska…

Mr.Gabayre oo la doortay 8-dii March 2017 ayaa go’aansaday inuu iska sii fadhiyo oo uusan tartan furan qaban, waxaa lagu waday in 8-dii March 2023, balse ayaan darro ma dhicin, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo ah Iskaashto u ololeysa Ganacsiga, waxaana socda hanaan been abuur ah oo ugu danbeyn dib loogu dooranayo Gabayre inuu noqdo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed muddo xileedka soo socda, isagoo garab ka helayaa Hasan gurgurte.

Intii uu xilka Guddoomiyaha Rugta ka ahaa, wuxuu xiriir joogto ah oo dhaqaale ku siiyay Kooxda Argagixisada Shabaabka, waxaana la xaqiijiyay iney gudaha u gashay Rugta Ganacsiga iyo guud ahaan ganacsiga Gobolka Benadir taasoo ka dhalatay hoggaan xumada Gabayre, waxaa la sheegay inuu u fududeeyay kooxda Shababka iney Saami dhaqaale ka qaataan Gaadiidka Dekeda xamuulka ka soo qaado, markii cabasho ay ka keeneen Gaadiidleyda looga yeeray Maxkamadaha macmilka Kooxda Hanjabaanada loo jeediyay.

Ilo wareedyo loo waateen ah ayaa sheegaya in kooxda Gadisleyda ah ee gacanta ku haya Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka ay xaqiijiyay iney Horgalada kooxda argagixisada Shabaabka bishii siiso dhaqaale dhan $5Millions oo Baad ah, bixinta Dhaqaalahaan ayaa lagu fasiray in aan Maamulka lagu fara gashan Mr.Gabeyre.

270110cookie-checkMaxaa ka Run ah in Hogaanka Rugta Ganacsiga oo lagu Eedeyay inuu Xiriir la Leeyahay Kooxaha Argagixisada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com