Wasiir Puntland Ka Soo Jeeda Oo Laga Helay Cudurka Covid-19

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Dubai Ee Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE), ayaa sheegaya in Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland laga helay asaamaha Cudurka Caabuqa safmareenka ah Ee Coronavirus, kadib markii la baaray….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay, Mr.Xasan Shire Cabsi (Abgaal) oo ah Wasiirka Maaliyada Ee Maamulka Puntland oo safar shaqo ku tegay Dalka UAE laga helay Astaamaha Cudurka Coronavirus, iyadoo lagu amray inuusan ka bixin karin Magaalada Dubai muddo 14- maalmood ah.

Dhanka kale, waxaa xalay gaaray Magaalada Dubai Ee UAE Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mr.Saciid Cabdulahi Dani, kaasoo ka dhoofay Magaalada Addis abeba, Ujeedada safarka Ee Mr.Dani ee Imaaraadka Carabta ayaa salka ku haysa arrimaha doorashooyinka Somalia oo uu kala shaqaynayo in Imaaraadku musharixiin kula soo baxo iyo arrimaha dekedda Boosaaso.

69520cookie-checkWasiir Puntland Ka Soo Jeeda Oo Laga Helay Cudurka Covid-19