Qeylo dhaan Laga keenay Magacaabista Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa laga keenay Magacaabista Madaxweynaha ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka kadib Wareegto uu soo saaray dib u habeyn ku sameeyay Xubnaha Golaha uu ka kooban yahay, isagoo Saddexdii heer ee golahaasi ku soo koobay labo heer oo kaliya….

Wararka ayaa sheegay in Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah uusan wax weyn ka badelin, halka Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo ka  kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta ay hoos imaan doonaan xafiiska Madaxweynaha.

Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa Agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha Xasan Aadan Hoosow, kaasoo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha, sida ku cad Wareegtada, wuxuuna ka mid yahay Kaadiriinta Xisbiga Madaxweynaha.

Dadka dhaliila Siyaasada & xulashada jilicsan ee Madaxweynaha ee Xilalka Muhiimka ayaa ku dhaleeceeyay inuu Golahaan uu ku uruuriyay Ardaydiisa Machadka Simad iyo Dhaliyaro aan khibrado laheyn balse aad u jidbeysan, halkii laga rabay inuu xusho aqoonyahanno iyo Khabiiro ku xeel dheer dhaqaalaha si Dalka iyo Dadka loo badbaadiyo.

Khubaro badan ayaa aaminsan in Jaamacad Simad ay aad u shaabahdo Jaamacadii Trump, iyo Xisbigii Kacaanka ee ku milanka Xafiisyada Dowlada, waxaana welwel iyo cabsi laga muujiyay iyadoo kaadiriinta ka soo aflaxday Simad ay xilal ka hayaan Xafiisyada Dowlada sida kuwa maareynta Dhaqaalaha, Maaliyada, Amniga iyo Shidaalka (Somalia Simad baa leh).

224650cookie-checkQeylo dhaan Laga keenay Magacaabista Golaha Dhaqaalaha Qaranka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com