Maxaa Xiligaan Keenay Walaaca ka Dhashay Hogaan-Xumida Hey’adda NISA

Somalia news

Kadib markii Madaxweynaha Somalia loo doortay Xilka Madaxtinimo, isla markaasna uu si fudud ka muuqata deg deg uga ansixiyay Xukuumadii Rooble Magacaabista Hogaanka Hey’adda NISA mid ka mid ah Howlwadeenada Xisbigiisa kaasoo ku dhiiraday inuu Weeraro, caburin iyo Cabsi gelin u geysto Muwaadininta Soomaalida ee Caasimada ku nool…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Dadka ku nool Magaalada Mogadishu ay walaac isa soo taraaya ka muujiyeen Howlgalada & tacadiyada ay Muwaadiniinta u geysanayaan Garabka hubeysan ee Duufaan hoosna tagta Hey’adda NISA, iyadoo falkii ugu dambeeyay si sharciga ka baxsan loogu weeraray Hoyga iyo Hoteelka Ganacsade Xaaji Ibraahim Kaah ee Degmada Yaaqshiid.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugaarsi lagu hayo Saraakiishii NISA ee Maamulkii Farmaajo, waxaana la sheegay in la xiray Darawalkii iyo ilaaladii guriga u joogtay Cabdullahi Dheere, ilaa haddana muddo xabsiga ku jira, iyagoo aan Maxkamad laga soo xalaaleyn xarigooda, balse Sharciga cusub ee Hey’adda NISA loo ansixiyay loo cuskaday.

Dhanka kale, Saraakiisha Safaarada Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xaygudubyada joogtada noqday ee Hogaanka NISA, iyadoo shalay mar kale Xabsiga loo taxaabay Wariye Cabdalla Muumin oo madax ka ah @sjs_Somalia, kadib markii uu weydistay Maamulka Xasan Sheekh iney Caddeyaan Sharciga cusub er Saxaafada.

248050cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Walaaca ka Dhashay Hogaan-Xumida Hey’adda NISA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com