Maxaa Keenay inuu Baaqdo Kulankii Madasha Wadatashiga Qaranka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay inuu baaqday Kulankii Madasha Wada tashiga Qaranku ay isugu imaan lahayd Bishan 24-25-keeda, magaalada Baydhabo, sababo la xiriira diidmada ka qeyb galka Shirka ee Puntland iyo Madaxweynaha oo Safar dibeda ah ku maqan…

Wararka ayaa sheegay in la qorsheeyay inuu Kukankaasi qabsoomi 15-ka Bisha Dambe, iyadoo la isku dayay in loo soo wareejiyo magaalada Mogadishu balse ma helin taageero ku filan, iyadoo uu diiday Madaxweynaha Masmulka Puntland ka soo qaybgalka Kulankaasi.

Sida ay sheegeen ilahaani sababta ugu weyn ee keentay inuu baaqdo, waa khilaafka Maamulka Puntland iyo Dowlada Fadaraalka ah, Maamulka Dani hakiyay dhamaan wada shaqayntii kala dhaxeysa Dowlada Fadaraalka, waxayna ka baaqatay ugu yaraan tiro Kulamo ah oo looga xaajoonayay mashaariicda Dalka sida.

-Caafimaadka
-Waxbarashada
-Deegaanka
-Cadaalada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo safarkiisa Dalka Imaaraadka la sheegay inay ku salaysan tahay khilaafka Saciid Dani, gaar ahaan Saami qeybsiga Xilalka Diwlada Federaalja iyo Saldhig Milleteri oo Imaaraadku uu ka samaysan rabo Gobolka Bari, Mana muuqato dadaal lagu xalinayo kala taga Maamulka Puntland iyo Dowladda Fadaraalka.

243980cookie-checkMaxaa Keenay inuu Baaqdo Kulankii Madasha Wadatashiga Qaranka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com