Maxaa Ku Qoran Buugga Dugsiyada Puntland Dhibsatay Ee Mas’uulka Loo Ceyriyey..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal shaqo joojin ah oo lagu Sameeyey Agaasime-waaxeedka tayo dhowrka iyo Manaahijta, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux, sababo la xiriira buugagta Dugsiyada laga dhigo oo la mamnuucay, iyadoo Go’aankaan la sheegay inuu saamayn ku yeelanaayo Ganacsatadii maalgalisay buugaagta..

Wararka syaa sheegaya in Qoraal shaqo ka joojinta uu ku saxiixnaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax oo ah Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, iyadoo Saacado ka hor go’aankaasi ayaa Golaha Wasiirada maamul goboleedka Puntland wuxuu joojiyey in Dugsiyada loo isticmaalo buugga taariikhda ee dugsiyada sare kaasoo ay ku dhaliileen in khaladaad dastuuri ah” ay ku jiraan.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in la joojiyey heshiiska Shirkada daabacday iyo in Xafiiska Xeer ilaalinta baaritaan ku samayso “si sharciga loo horkeeno ciddii dambiga gashay”, Qayb ka mid ah buugga ayaa muujinaysa sawirka khariidadda maamul goboleedyada, iyadoo qaybo ay Puntland tirsato ay hadda u muuqdaan in sawirku kala raaciyey Galmudug iyo Maamulka gooni goosadka ee Somaliland.

Maxey Qoonsadeen Puntland oo Buuga ku qoran?

Khabiir Kabire ee Dhanka Waxbarashada ayaa sheegay in “Buuggan waxaa la soo galiyey baraha bulshada, waxaana uu xambaarsan yahay tusmo ka turjumaysa maamul goboleedyada Dalka ka jira, Puntland-na waxay sheegataa 9 Gobol, qoraalo aan ka turjumeynin Dhaqanka & Diinta ayaa lagu soo daray, Buuggu wuxuu muujiyey in dhulka Puntland ku fadhido dhul ahaan ahayn lagu daabacay” ayuu yiri.

278140cookie-checkMaxaa Ku Qoran Buugga Dugsiyada Puntland Dhibsatay Ee Mas’uulka Loo Ceyriyey..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com