Diyaarad Laga Celiyay Hawada Somalia

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Maamulka Hawada ee Dowladda Federaalka, ayaa Hawada ka celisay Diyaarad siday qaad badan oo Maanta Qorsheyneysay inay ku degto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Diiyaaradaan oo kamid timid Magaalada Nairobi ayaa qorshaheedu ahaa inay ka degtay Garoonka Hargeysa, balse Maamulka Hawada Dowlada oo War heshay inay sido qaad ayaa Hawada dib uga celisay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaaradaan ay u rarneynd Ganacsato degaanka ah, waxaana ay dib ugu laabatay gudaha Kenya, iyadoona ka degtay diyaaradaha Garoonka Wajeer.

Qaadka Kenya ee Maanta laga celiyay Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli uu yaraaday Qaadkii ka iman jiray dhinaca dlka Ethiopia, sababo la xiriira Qalalaasaha ka socda gudaha, kuwaasoo ka dhashay fanaan la dilay.

45830cookie-checkDiyaarad Laga Celiyay Hawada Somalia