Maxaa Sahlaaya Hoobiyayaasha Mogadishu Lagu Weeraro Maxeyse Dowladdu Wax uga Qaban La’dahay..

Somalia news

Magaalada Mogdishu ayaa waxey marti joogto ah u noqotay Hoobiyayaal lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada iyo degaanada ku xeeran, kuwaasoo ay ka dhashaan Khasaare isugu jira Dhimasho, Dhaawacyo iyo burbur hantiteed, waxaana u dambeeyay Hoobiyayaashii xalay oo ay ku dhaceen Hoyga Wasiirka Batroolka….

Wararka ayaa sheegay in Qaar ka mid ah Hoobiyayaashaani ay ku dhaceen Dhismaha uu gudaha Madaxtooyada ka degan yahay Wasiirka Batroolka Mr.Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana ku geeriyooday laba qof oo uu ka mid ahaa Madaxa ilaalada Guriga Wasiirka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Cabdullaahi Muumin, halka ay dhaawacyo ka soo gaareen Mahad Aadan Boorow & Muuse Cadde oo ka mid ahaa ilaalada Wasiirka.

Saddex qof oo Shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay Hoobiye kale oo ku habsaday guri ku yaalla agagaarka Dugsiga Sare 15-May oo kaabiga ku haya Villa Somalia, waxaana joogto noqday Tacsida Madaxda Dowkadda Federaalka, iyadoo ay meesha ka maqan tahay Isla xisaabtan iyo Kormeer joogto ah.

Falalka noocaan ah ayaa dhaxay 3-dii Todobaad ee u dambeysay, Dadka badi waxey is-weydiinayaan Maxaa Sahlaaya Weeraradaan joogtada noqday, maxaase xal u noqon kara Dhibaatadaan gaamurtay bal aan soo koobno:-

-Maamulka Xasan Sheekh oo xulashadiisa Hogaanada Amniga oo hooseysa kana door biday kuwa Aqoonta leh xagga Amniga Kaadiriintiisa.

-Degmo kasta Waxaa ka howl gala Saraakiil & Ciidamo Boliis iyo NISA kuwaasoo ku mashquulsan iney Dhaqaale (Baad) ka uruursadaan Gadiidka iyo Dadka Socotada ah.

-Xuuraanka iyo Baarista oo aan haba yaraatee aysan jirin xirfadaan Saraakiil aqoon u leh iyo ka gungaarida Baarista.

Magaalada oo u baahan Tira koob guud si Dadka soo galaaya iyo kuwa baxaaya loo xakameeyo kooxaha abaabulan ee Drmbiyada geysta.

-Ineysan jirin Hey’adi Garsoor oo tayo leh.

250630cookie-checkMaxaa Sahlaaya Hoobiyayaasha Mogadishu Lagu Weeraro Maxeyse Dowladdu Wax uga Qaban La’dahay..