Ma Dhabaa in Dalka Costa Rica Lagu Qabtay Wiil uu dhalay Horjooge ka tirsan Argagixisada Shababka

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in Mas’uuliyiinta Amaanka ee Dalka Costa Rica ay xabsiga u taxaabeen Wiil Muhaajir ahaa oo uu dhalay mid ka mid ah Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka kadibna ay musaafuriyeen, Wiilkaan ayaa la sheegay inuu doonaayay inuu Tahriib lug ah ku galo USA…

Xogtaan oo laga soo xigtay Warkeyska Ticotimes ayaa qoray in Shaqaigaan lagu magacaabo Luqmaan Warsame Faarax ayaa laga soo qabtay isagoo isticmaalaya Dukumentiyo been abuur ah iyo Baasabor Swedish ah, oo Shaqsi kale uu leeyahay, Luqmaan ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo Dalka Somalia.

Hey’adda Sirdoonka Dalka Costa Rica (DIS) ayaa laga soo xigtay in Shaqsigaan ay markii hore u tarxiiler Dalka Guatamala hase yeeshee waxaa dib loogu soo celiyay Dalka Costa Rica, Saraakiisha Sirdoonka ayaa u xaqiijiyeen dhigooda FBI-da in suurto gal ay tahay in xubno ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka ay si qarsoodi ah ku soo galaan Dalkaasi kadibna u gudbaan USA.

Son of Al-Shabaab Leader Arrested and Deported from Costa Rica

250670cookie-checkMa Dhabaa in Dalka Costa Rica Lagu Qabtay Wiil uu dhalay Horjooge ka tirsan Argagixisada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com