Maxaa Xiligaan Fududeeyay Soo Noqoshada Isbaarooyinkii Kooxda Argagixisada Shababka..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in Kooxda Argagixisada Shababka ay dib u soo celiyeen Isbaarooyinkii ay baada kaga qaadi jireen Gaadiidka Xamuulka ee wadooyinka duleedka Magaalada Mogadishu, kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay dib uga gurteen…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Kooxda argagixisada Shababka ay isbaarooyinka ku qaadaan lacago u dhaxeeya 3000-10.000 US$, iyadoo jid-gooyinkaasi ay yaalaan Duleedka magaalada Balcad Gobolka Sh/dhexe iyo degaanka Basra ee Gobolka Sh/hoose, waxaana lagu sababeeyay Qodobada hoose ku xusan:-

-Fashil ku yimid Howlgaladii dagaaladii ay wadeen Ciidamada NISA iyo kuwa Haramcad ee degaanadaasi oo la joojiyay gebi ahaan Dibna looga soo gurtay.

-Gaabis iyo Fashil ku yimid Duulaankii Ciidamada Dowlada ee Gobolada Sh/dhexe, Sh/Hoose, Hiiraan & Galmudug.

-Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada oo dib ula wareegtay ku dhawaad 40% Degaanadii horey looga saaray.

-Sare u kac ku yimid Dhaqaale badan oo kaga soo xarooda Kooxda Falal Afduub oo ay ku weydiistaan madax furasho lacageed Dadka ay Afduubtaan.

-Maxkamadihii Dadka Shacbiga looga yeeri jiray oo ay Dib u Howl geliyeen.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamay in Hogaanka Villa Somalia uu ka war hayo xaaladaan cusub ee dib u soo laba kacleynta iyo Isbaarooyinka Kooxda Argagixisada Shababka, waxaana la sheegay in Dhaqaale xumo baahsan ay xiligaan wajahayaan Dowladda Federaalka ay horseeday inuu hakad galo Howlgaladii ay Ciidamada Dowlada ku beegsanaayeen kooxda Shababka.

Isku soo hoori ka hor Duulaankii Ciidamada Dowlada ee Kooxda Shababka, Dakhliga Bilaha ah ee Kooxda Maylka adag ayaa lagu qiyaasi jiray 15-millions US$, laba daraadle dardartaan cusub ee Kooxda Shababka ayaa la filayaa inuu dakhligooda Baada 3-jibaarmi doono isla markaasna ku dhiiri gelin doonta iney Qortaan Dhaliyarada Shaqo la’aanta ku dilootay Degaanada Dowladu Maamusho.

313900cookie-checkMaxaa Xiligaan Fududeeyay Soo Noqoshada Isbaarooyinkii Kooxda Argagixisada Shababka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com