Kulankii Maamulada Gobolada Oo Ka Furmay Xarunta Xalane

Somalia news

Waxaa mar sii horeysay ka Furmay Hoteel ku dhex yaal Xarunta Xalane 5-at Madaxweyne Ee Dowlad Goboleedyada ay ka kooban tahay Dowladda Federaalka, iyagoo ka doodaaya is-mari waaga Khilaafka Doorashada iyo sida ugu fudud oo looga gudbi karo Caqabadaha hortaagan qabsoomida Kulanka rahman Ee Teendhada Afisioni…

Kulankaan ayaa la sheegay iney dadaalo iyo wakhti ku bixiyeen Wakiilada Beesha Caalamka kaasoo ujeedadiisu yahay sidii Maamulada Gobolada u yeelan lahaayeen Kulan gaar ah ka hor midka guud, inkastoo weli ay taagan tahay carqaladeynta uu wado Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday, wuxuu Kooxdiisa kula dardaarmay iney la kulmaan kaliyah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya In Xubno ka tirsan Midowga Badbaado Qaran ay ka qeyb galayaan Kulanka.

Farmaajo ayaa welwel xoogan ka qaba qodobka ay inuusan heysan sharciyad uu go’aansaday Masiirka ah ku Gaari karo, iyadoo sababtu ay tahay inuu xiligiisii uu 57-maalmood ka hor dhamaaday, waana sababta uu culeyska u saaraayo Maamulada Taageersan ineysan la kulmin Wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa degan Hoteel ku dhex yaal Xalane sababo Amaan awgeed, waxeyna u xusheen iney xiligaan isku aamini karin gudaha Magaalada Mogadishu, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa ay isku dhex milmeen.

105440cookie-checkKulankii Maamulada Gobolada Oo Ka Furmay Xarunta Xalane