Maxaa Xiligaan Hogaanka ATMIS ku Keenay Walbahaarka & Cabsida Dhanka Howlgalada Somalia

Somalia news

Macluumaad ayaa muujinaaya in Hogaanka Howlgalada ee Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Somalia ay soo foosaareen Walbahaar iyo cabsi oo ku aadan iney dib uga dhacaan Hadafyada muhiimka oo sabab u ahaa in Wakiilada Beesha Caalamka joogitaankooda Somalia…

Todobaadkaan ayeey aheyd markii ay Golaha Nabada iyo Amaanka ee Midowga Africa (AUPSC) ay qireen iney jiraan calaamado muujinaaya iney fulin waayaan Qorshayaasha horyaala, waxeyna intaasi raaciyeen in “inkastoo ay ATMIS ay door fican ka cayaareeyso wajiga 2-aad ee Duulaanka dhanka ka ah Kooxda Argagixisada Shababka, hadana waxey cadeeyeen inuu jiro Gaabis”.

Golaha ayaa qiray inuu jiro Baahi dhaqaale oo sababi kara iney wiiqaan qorshaha Howlgalka taasoo khatar ku ah Ciidamada Amniga ee Dowladda Federaalka, ilaa hadda lama hayo taageero dhaqaale lamana saadaalin karin xiliga la filaayo, waxeyna weydiisteen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay inuu qabto Kulan lagu cayimaayo wakhtiga taageerada maaliyadeed la filan karo.

Midowga Europe oo horey u dabuuli jiray dhaqaalaha ATMIS ayaa caddeeyay in Somalia ay u baahan tahay waxka badan Dhaqaalaha, Tababarada, Amaanka Ciidamada iyo dib u haveynta awood qeybsiga gudaha si loogu doyaar garoobo Marxalada kala guurka ah ee December 2024-ta.

250890cookie-checkMaxaa Xiligaan Hogaanka ATMIS ku Keenay Walbahaarka & Cabsida Dhanka Howlgalada Somalia