Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa Xil Ka qaadis deg deg ah Oo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntiland ku sameeyay Taliyihii Boliiska Maamulka, kadib markii uu tiro Kulamo Qarsoodi ah kula galay Saraakiil ka tirsan Villa Somalia laga codsaday inuu la shaqeeyo…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxa Boliiska Puntiland Ee la bedelay lagu magacabo Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) ayaa sidoo kale ahaa Gudoomiyaha guddiga Amniga doorashooyinka heer federaalka ee deegaanada Puntland, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dhowr safar Muqdisho ku tegay, taasoo dhalisay tuhun ah in Mr.Deni ka shakiyey Sarkaalkaan, sidaas-na uu u bedelay.
Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni, ayaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Puntland, waxuuna Saciid Deni tallaabadaan kala tashaday ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, sida ku cad Wareegtada uu ku soo saaray magacaabidda.
Ma jirin wax ismaandhaaf oo dhexmaray Madaxda dowladda Puntland iyo Mas’uulka xilka laga qaaday. Inkastoo ay jireen eedeyn loo soo jeediyay kuna aadan inuu kulamo qarsoodi ah la yeeshay Saraakiil ka tirsan Villa Somalia (Agaasimaha Madaxtooyada), Waxa kaliya oo hadda la isweyddiinayaa waa in Madaxweyne Deni go’aankiisu saameyn doono habsami u socodkii qorshayaasha amniga doorashada Aqalka Hoose.