Madaxtooyada Culeysyo Kala Kulmeysa Garabyada Xisbul Xaakimka Xildoon doonka ah

Somalia news

Maalmihii iyo habeenadii la soo dhaafay waxaa si weyn xarunta Madaxtooyada ugu sii qulqulayay Siyaasiyiin iyo Kaadiriinta ka tirsan Xisbiga Madaxweynaha oo xusul duub ugu jira sidii ay qaban lahaayeen Hogaanka Gobolka iyo Amniga ee Caasimada, Garabyadaan ayaa culeysyo ku saaraya Madaxweynaha inuu taladooda qaato…

Warsidahaan ayaa loo tilmaamay in Duqii hore ee Muqdisho ahaana Guddoomiyahii Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) uu ka mid yahay xubnaha ugu cadcad hanashada xilka uu xiligaan ku fadhiyo Cumar Finish oo ka midka ahaa Mas’uuliyiinta sida fudud ugu adeegayay Farmaajo sanadihii la soo dhaafay.

ilo loo qaateen ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu billaabay inuu wada-tashiyo ku aaddan is-baddel lagu sameynayo hoggaanka maamulka Gobolka Banaadir uu la qaatay Garabyada Xisbiga Demu jadiid, wuxuuna doonaaya inuu Hogaanka Maamulka Gobolka Banadir iyo Hogaanka Ciidamada Boliisk isbedel deg deg ah lagu sameeyo si howlaha iyo adeegyada Bulshada loo hayo loo hormariyo.

207450cookie-checkMadaxtooyada Culeysyo Kala Kulmeysa Garabyada Xisbul Xaakimka Xildoon doonka ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com