Maxaa ka Run ah in Shirkad Shidaal ay Maalgalineysa Hurinta Colaadaha Gobolka Sool..

Somalia news

Warbixino Amaan ayaa sheegaya in dagaalkii lagu hoobtay ee muddada 8-bilood ka socday duleedka Magaalada Laas caanood ayaa sheegaya iney si dadban u maalgelineysay Shirkad Shidaal oo damac kaga jiro iney hesho ruqsada baarista Shidaalka ee Gobolka Sool…

Wararka ayaa sheegay in Shirkado oo caalami ah oo mar ku riyoon jiray Shidaalka SSC-Khaatumo gacanta ku dhigaan, gaar ahaan shirkadda Genel Energy oo soo bandhigtay han-weyn, iyadoo iska dhego-tirtay Baaqyada Awaamiirtii Dowladda Federaalka, Waxay u muuqataa in aan la ogolaan doonin dhaqdhaqaaq kasta oo shidaal soo saarid ah oo ka socda SSC-Khaatumo, waxaana loo badinayaa in talaabooyin adag laga qaadi doono.

Waana wax laga xumaado in la arko sida Shirkadaha qaar ay dhegaha ka fureystaan awaamiirta Dowladda Federaalka, Waa muhiim in Shirkadaha caalamiga ahi ay ixtiraamaan Shuruucda Dalka oo ay si wada jir ah ula shaqeeyaan Maamullada maxalliga ah si loo gaaro natiijo labada dhinacba faa’iido u leh.

274620cookie-checkMaxaa ka Run ah in Shirkad Shidaal ay Maalgalineysa Hurinta Colaadaha Gobolka Sool..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com