Xildhibaanada Baarlamaanka oo Lagu Eedeeyay iney ka Gaabiyeen La-Xisaabtanka Laanta Fulinta..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha rogeysa in Mashaakilka dhaqaale ee dalka oo la aaminsan yahay iney abuureen Musuqa hareeyay Xafiisyada Dowladda iyo isbedelada Xafiiska Villa Somalia ee Ilaha dhaqaalaha oo lagu abaal mariyay Kaadiriinta Urur-diimeedka Demu jadiid iyi Qaraabada & Qoyska Madaxweynaha…

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaaya in Miisaaniyada Dowladda uu hoos u dhac gaaraya 67-Millions oo US$ ah ku yimid sanadkaan, iyadoo loo sababeeyay Maamul xumo baahsan xili ay Maamulka Hasan Sheekh la daala-dhacayso mushkilado dhaqaale oo ka taagan Wasaarada Maaliyada iyo isbedelada Wasiirada.

Saadaasha dakhliga gudaha ayaa la filayaa iney bishaan soo xarooto12-Millions US$ oo Canshuuraha kala duwan ka soo xarooto magaalada Muqdisho, waxaa la sheegay in 4-Millions US$ & dheeraad ay ku jirto Qasnada Dowladda, Dhaqaalahaan ayaa la sheegay ineysan ku baaqan dhinaca Shacabka.

Xeel dheerayaasha Arrimaha Dhaqaalaha ayaa farta ku goday in Madaxweynaha Somalia oo lagu eedeeyay in Sarkaal NISA ka tirsanaan jiray oo ku beel ah, isla markaasna aan ka soo shaqeynin Howlaha Maaliyada uu la jacleystay inuu noqdo Agaasimaha Canshuuraha Biriga, sidoo kale waxaa hawada laga saaray hanaanka SFMIS in ka badan 6 jeer bil gudaheed, si aan loo arag dhaqdhaqaaq lacageed.

Hadaba, Xildhibaanada Baarlamaanka maxaa ka hortaagan iney la xisaabtamaan Wasaarada Maaliyada.

268550cookie-checkXildhibaanada Baarlamaanka oo Lagu Eedeeyay iney ka Gaabiyeen La-Xisaabtanka Laanta Fulinta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com