Kooxda Shababka oo Weerar Qorsheysan ku Qaaday Dhismaha Dekeda cusub ee Lamu..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Lamu ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxda Argagixisada Shababka ay sheegatay iney fulisay weerar ay ku bartilmaameedsanayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha Dekedda Lamu iyo Lamu-Koonfurta Sudan iyo Ethiopia (LAPSSET) ee mashruuca Waddada isku xirta Lamu ee Kenya, halkaasoo ay ku dileen tiro shaqaale ah…

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Xoghayaha Arrimaha Mudaha iyo mMaamulka Mr.Kithure Kindiki oo ku sugan Degmada Lamu si uu ugala hadlo Maamulka iyo Shacbiga arimo badan oo dhanka Amaanka ah, kadib weeraro argagaxiso oo ka dhacay degaankaasi., wuxuuna si rasmi ah u furtay Xarunta Dhexe ee Lamu Bari waxayna kulan xog waraysi ah la yeelatay Guddiyada Amniga iyo Sirdoonka ee Gobolka Xeebta, Lamu, iyo Lamu Bari.

https://x.com/ibnsiqilli/status/1702123517116887491?s=46&t=ULdzLZsDXJ_GmmSfmTsWjw

Kooxda argagixisada Shababka ayaa la sheegay sidii ay samaysay 2014-kii weerarradii Mpeketoni ee Kenya, ma aysan dilin shaqaalaha Muslimiinta Kenya (goobta LAPSSET, hal shaqaale ah oo akhriya Shahaadada waa laga badbaadiyay), iyagoo raadinaya shaqaale Kenyan ah oo Masiixiyiin ah iyo kuwa aan Muslim ahayn.

Maleeshiyaadka weerarka geystay ayaa la sheegay iney dileen ugu yaraan 1 qof oo Chines ah oo u shaqeynayay Shirkadda Dhismaha Isgaarsiinta ee Shiinaha oo ay leedahay dowladda inteeda badan goobta LAPSSET ee Lamu, kooxda ayaa waxay go’aansatay inay si faahfaahsan u doo bandhigto weerarka ay fulisay, laga yaabee in talaabadani ay fariin u tahay Dowlada China.

277220cookie-checkKooxda Shababka oo Weerar Qorsheysan ku Qaaday Dhismaha Dekeda cusub ee Lamu..