Ma Dhabaa in Gaari Lagala Baxsaday Jubbaland loo gacan geliyay Kooxda Argagixisada Shababka

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa fadeexad hareysay mid ka mud Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Jubbaland oo Wadihii Gaarigiisa kala baxsaday Gaarigii Wasiirka isticmaalayay isla markaasna u gacan geliyay Kooxda Argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Gaarogaan oo ay laheyd Wasaarada Tamarta iyo Biyaha kaasoo noociisu ahaa Hardtop, iyadoo Gaarigaani ay ku deeqday mid ka mid ah Hey’adaha Caalamiga ah ee taageerada u fidiya Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada.

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigaan lagala baxsaday Wasiir kuxigeenka Wasaaradaasi Mr.Mustaf Xaaji, iyadoo Gaariga lagu arkay xarunta Kooxda Argagixisada ee Degmada Jilib, ilaa hadda lama yaqaano sida fudud uu gaarigaasi uga gudbay Baraha kontaroolada ee Xoogaga Maamulka Jubbaland, sidoo kale waxaa su’aali ka taagan tahay xiriirka ka dhaxeeyay Darawalkaan iyo Kooxda Argagixisada intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Darawal Mas’uuliyiinta Dowladda uu u goosto Dhanka Kooxda Shababka ama uu gacan ka geysto Falal fududeyn ah oo amni darro, iyadoo dhawaan Wadihii Gaariga Gudoomiyihii Baarlamaanka hore uu u baxsaday Kooxda Shababka, halka Sanado ka hor Madaxii Nabadsugida Jubbaland (Ciise Kambooni) uu dilay Darawalkiisa oo qaraabo hoose ahaayeen kadibna u baxsaday kooxda Shababka.

236350cookie-checkMa Dhabaa in Gaari Lagala Baxsaday Jubbaland loo gacan geliyay Kooxda Argagixisada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com