Dib u soo Noqoshada Burcad-Badeedka Somalia yaa Daaha Gadaashiisa ka Riixaaya Maxeyse tahay Ujeedada Ka Dambeysa..

Somalia news

Waxaa marqaati ma doonto ah in xiligii ay suuqa u aheyd meherada shaqo ee Burcad-badeednimada kooxaha Dabatada Maraakiibta xeebaha Dalka Somalia waxey ka macaasheen dhaqaale kor u dhaafaya 18-Billions US$, iyadoo aan Cadaalad la marin Kooxahaasi oo qaarkood Xiligaan Mas’uuliyiin/Shaqaale ka yihiin Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulada Puntland iyo Galmudug halka kuwo kale ay rajo-sugayaal yihiin…

Balse hadda waxaa soo muuqaneysa ifafaalo ah in khatartaasi ay soo cusboonaaneyso sanadkaan dhamaadka ah 2023-ka, iyadoo la isku raacsan yahay in khatar weyn ku hayaan dhaqaalaha Dalka iyo nabad ku marista Maraakiibta Ganacsiga iyo Xamuulka Shidaalka, Kooxahaan ayaa bil gudahood 3-Markab ka afduubtay Marinka Bab al mandab iyo Agagaarka Jasiirada Suqadara.

Khabiirada dhinaca badaha ayaa ka cabsi qaba in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay si wada jir ah ula shaqeeyaan kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo dhawaanahaan bartilmaameed ku ahaa maraakiibta shisheeye, iyadoo tuhunka ugu weyn uu yahay Doon Iran laga leeyahay(Al-Meraj-1 oo ay Dhawaan Soomaalidu afduubteen weydisteena 400-000 US$.

Dowlada Federaalka ayaa taageero Caalami ah dalbatay si looga hortago iney Kooxahaan dib isku soo abaabulaan kana howlgalaan Xeebaha Geeska Africa iyo Badda Cas, iyadoo laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii ilaa 2020-kii ay si hoose u socdeen weeraro 5 ahna dhaceen, inkastoo aysan halistu gaarsiisneyn heerkii horey loo soo arkay.

Halistaan cusub ayaa ku soo beegmeysa xilli Dalka Somalia laga qaaday xayiraada cunaqabateynta hubka, talabadaani oo laga cabsi qabo iney horseedi karto in Dalka soo galaan Hub cusub oo dhaqaalaha laga macaasho Afduubka lagu soo iibiyo kadibna ay kordhaan weerarada Maraakiibta iyo dagaalada beelaha Soomaalida dhexdooda, Maraakiibta Ciidamada Europe ee Ilaaliya Xeebaha waxey gurtaan Kaluunka Somalia si sharci darro ah.

294130cookie-checkDib u soo Noqoshada Burcad-Badeedka Somalia yaa Daaha Gadaashiisa ka Riixaaya Maxeyse tahay Ujeedada Ka Dambeysa..