Maxaa Kaaga Baxay Safarka Qorsheysan ee Madaxweynaha ee Rome & Tirada Wafdigiisa..

Somalia news

Macluumad hordhac ah aysa laga Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Dibeda Dowladda Federaalka uu u diray Danjiraha Dowlada Italy ee Somalia, isagoo ka codsaday in Dal ku galo loo oggolaado 16-xunood oo ka mid noqonaaya Wafdiga Madaxweynaha oo lagu wado inuu ka qeyb galo Shir Caalami ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxweynaha uu safar shaqo ugu bixi doon taarikhdu markey tahay 23-ka bishaan, isagoo kaga qeyb gali doona Kulanka loo magac daray “Food System 2023 Stocktaking”, kaasoo socon doona 24-26 Bishan Luuliyo kana dhici doona Xarunta FAO ee Magaalada Rome ee Dalka Italy.

Liiska Qoraalka ayaa waxaa ka muuqda 2-Wasiir 3-Ilaaliyataal, 3-Gacanyare, 3-La-taliyayaal oo ay ku jirto Gabadhiisa, Mafaxweynaha iyo Wafdigiisa ka kooban 16 ayaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan munaasabadda UNFSS, iyadoo dhaqaale yarida Maamulkiisa heysato waxaa uu si fudud u diri karay kooxda ​​kalsoonidiisa leh ama Wasiirro, Isku kalsoonow, sababtoo ah liiska ka qaybgalayaashu Shirkaani miyeeysan noqon karin kuwo Is-xambaar?.

Masmulada Dowlada Federaalka ayaa lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin Tahriibinta Dadka oo Dhaqaale laga qaado, waxaana is xsmbaar loogu qaadaa Dalalka Yurub, Canada iyo USA, lagana qaado Shaqsigii 25-Kun US$, iyadoo inta badan wufuudda la filayo in ay sii joogaan halkii uu la noqon lahaa Madaxweynaha #Musuqmaasuqa#.

266880cookie-checkMaxaa Kaaga Baxay Safarka Qorsheysan ee Madaxweynaha ee Rome & Tirada Wafdigiisa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com