Mr.Dani Oo Dalbaday In Dhaqaalaha Xayiran Loo Fasaxo

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mr.Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in Puntland ay weli ka xannibantahay dhaqaalihii loo soo mariyay Dowladda Federaalka wuxuuna ugu baaqay Wasaarada Maaliyada iney fasaxaan…

Mr.Deni, ayaa sheegay in dhaqaalaha loo yaqaan kabka Miisaanada (Budget-support), oo Baniga Adduunku ugu deeqo dalka Somalia, aysan weli waxba ka soo gaarin Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib markii ay ka xanibtay Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal, isagoo sheegay ineysan weli fahmin sababta.

Wuxuu sidoo kale codsaday in Lacagtaasi loo fasaxo Dowlad Goboleedyada, maadaama ay tahay lacag loogu tala-galay, in la gaarsiiyo Waddanka oo dhan ,si wax loogu fuliyo Arrimaha u baahan wax ka qabadka.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in haddii Lacagtaas si sax ah loo gaarsiin waayo dhammaan Dowlad Goboleedyada, ay taasi dhaawac ku keeni karto Kalsoonida lagu qabo Hanaanka Maaliyadda Dalka, xili lagu jiro Barnaamijka Deyn-cafinta.

59550cookie-checkMr.Dani Oo Dalbaday In Dhaqaalaha Xayiran Loo Fasaxo