Mr.Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ciidamada Kala Qeybiyay

Somalia news

Iyadoo uu Dalka ku jiro xili kala guur ah oo Doorashada la filaayo iney ka dhacdo ayaa Mr.Farmaajo wuxuu bilaabay inuu Hogaamada Ciidamada Xogga Dalka uu u wada dhiibo Saraakiil kasoo jeeda beeshiisa…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Shaki badan uu ka dhex dhashay markii Mr.Farmaajo uu xilalka ka wada qaaday saraakiil iyo hogaano ciidanka xooga dalka kuwaasoo kasoo jeedo beelaha daga magalada Muqdishu, iyadoo xilalkaas uu u wada dhiibay Saraakiil ay isku beel hoose yihiin Madaxweynaha.

Talaabadaan ayaa waxaa gadaal ka taagan sida la aminsanyahay lataliyaha madaxweynaha ee dhanka amniga ninka lagu magacabo Abdi Sicid oo sameyn badan ku dhex leh arimaha Ciidamada, Gaashaanle Muuse Buubaal oo ahaa Hogaanka Sahanka iyo Wardoonka Ceel Ciidamada, kana mid ahaa Saraakiisha uu dalacsiiyay Mr.Kheyre ayaa xilka laga qaaday waxaana lagu be-delay Siciid Kampala oo madaxweynaha abti u yahay.

Halka Ciidanka gaarka ah ee Gorgor ayuu sidoo kale u dhiibay nin ay isku beel yihiin Madaxweynaha oo lagu magacaabo Dayax.

Hogaanka Guutada 14 October oo ah Ciidamada UAE ay Tababareen ayaa sidoo kale loo magacabay sarkaal ay isku beel yihiin Madaxweynaha oo lagu magacabo Warsame.

Sidoo kale Ururka Boliiska Dableyda Ee Madaxtooyada waxaa madax ka ah nin la qaraabo ah Mr.Farmaajo oo lagu magacabo ina Caaley, Halka Taliyaha Danab ayaa loo dhiibay Sarkaal Mareexaan ah, iyadoo leys weydinayo waxa kusoo aadiyay xilliga doorasho in ciidanka la siyaasadeeyo.

64880cookie-checkMr.Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ciidamada Kala Qeybiyay