Ololaha Xisbiyada Mucaaradka Oo Nairobi Ku Shiraaya

Somalia news

Sida caadada aheyd mar walba oo olole doorasho la galo, Nairobi waxay ka mid aheyd goobaha laga soo ololeyn jiray ama loogu wanqali jiray ololaha doorashada, tusaale ololihii 2016 Nairobi waxay saldhig u aheyd dhowr Musharax oo uu ka mid ahaa Mr. Farmaajo…..

Waqtigan oo uu dalku qaaday dhabbihii doorashada, waxaa Nairobi ka bilowday
Olole iyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, waxaa ku sugan magaaladan Madaxweynaha Puntland, Siyaasiyiin, rag u hanqal taagaya xilka sare oo halkan saldhig u aheyd, waxaa maalmahan soo socda imaanaya siyaasiyiin iyo madax qaar ka mid dowlad goboleedyada, si ay u lafa guraan sidii ay is bedel uga sameyn lahaayeen siyaasadda Soomaaliya 2021.

Inkastoo Nairobi ka mid aheyd magaalooyinka uu saameeyay Koroonaha ragga u hanqal taagaya Madaxtinimada Soomaaliya oo qaarkood halkaan horraantiiba saldhigga u aheyd wuxuu ololahooda ugu weyn ka socday Whatsapp, waxaase weli ka maqan oo aan tegin Magaalada Nairobi Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

64850cookie-checkOlolaha Xisbiyada Mucaaradka Oo Nairobi Ku Shiraaya