Cabsho Xoogan oo laga Keenay Dhul boob & Canshuur qaadis laga wado Mogadishu

Somalia news

Qeylo dhaan iyo cabasho xoogan ayaa laga soo sheegayaa in Maamulka Gobolka Benaadir ay bilaabeen in Dhaqaale (Canshuur) qori caaradiis lagu qaado iyo dhul boob (danta guud ah) uu si xowli ah uga socdo degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir…

Wararka ayaa sheegay in Waaxda Canshuuraha Gobolka Benaadir ay ka wadaan Degmooyinka canshuur qaadis hormaris ah 6-bilood ee soo socota, iyadoo lagu qaadaayo cabsi gelin iyo hanjabaado xabsi qaar ka mid ah Milkiilayaasha guryaha ku yaal magaalada, waxaana la sheegay in talaabadaani ay heshiis ku yihiin Maamulka Gobolka, Wasaarada Maaliyada iyo Maamulja fashilmay.

Sidoo kale waxaa xowli ku socda qorshe lagu cabirayo dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, kahor inta aanu Maamulka la wareegin maamulka Madaxweyne cusub Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo uu shalay qaabilay Duqa magaalada lamana oga inuu kala hadlay dhacdooyinkaan.

Ciidamada maamulka degmada Dharkeynley ayaa howlgal burburin ah labadii maalmood ee tagay ka waday Suuq-yaraha degmada Dharkeynley, iyadoo la sheegay in qorshuhu yahay in dhulka uu ku fadhiyo Suuq-yaraha la banneeyo, kadibna la cabiro si la iibiyo.

189470cookie-checkCabsho Xoogan oo laga Keenay Dhul boob & Canshuur qaadis laga wado Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com