Ma Dhabaa In Maamulka Dooxa uu Musharax Kheyre ay Taageerayaan

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in saacado yar kadib markii uu shalay ku soo laabtay Musharax Xasan Cali Kheyre uu ku soo laabtay magaalada Muqadishu, kana soo kicitimay magaalada Dooxa via Istanbul, ayaa la sheegay inuu Kulamo qarsoodi ah la yeeshay Fahad Yasin..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Dowlada Qatar ay u sheegtay Farmaajo in Doorashadaan ay taageero maaliyadeed u fidin doonto Musharax Xasan Cali Kheyre, iyadoo la rumeysan yahay in si dhab ah iney kalsoonidii kala laabteen Farmaajo oo Khamaarkeeda isugu geysay Musharax Xasan Cali Kheyre.

Farmaajo iyo Gacanyarayaashiisa ayaa rumeysan in Xasan Cali Kheyre uu qeyb ka ahaa Gabood-falkii ay wada geysteen intii uu Hogaanka u hayay Maamulka Farmaajo, waxeyna aaminsan yihiin in Mr.Kheyre uusan ku soo oogi doonin Dembiyadii si bareerka ah loo geystay.

Dhanka kale Fahad ayaa la sheegay inuu gebi ahaan ka guuray Caasimada isagoo horey (shalay) u sii qaatay 12-Boorso oo ku jiraan dhamaan Dukumentiyadii (Sirta) ahaa ee yaalay Keydka Xarunta NISA, wuxuuna ka cabsi qabaa in lagu maxkamadeeyo dembiyadii ay wada geysteen intii uu maamulka Farmaajo shaqeynaayay.

186020cookie-checkMa Dhabaa In Maamulka Dooxa uu Musharax Kheyre ay Taageerayaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com