Xiisado Ka Dhashay Amar Qabasho oo ka Taagan Magaalada Garoowe

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Taliyihii hore Boliiska Puntland iyo Taliyaha cusub, kadib markii Madaxtooyada Puntland oo adeegsaneysa Maxkamada Ciidamada lagu amray in hub ka dhigis lagu sameeyay Taliyihii hore..

Wararka ayaa sheegaya in Amar aan la shaacin oo kasoo baxday Maxkamada ciidamada Qalabka sida Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe lagu faray Hay’addaha Amniga in lasoo qabto, isla markaana la horkeeno sharciga, Taliyihii hore ee Booliiska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) iyo saraakiil kale oo hub ku haysta Garoowe.

Wararka ayaa sheegay in Gaadiid dagaal oo Boliiska leeyahay lagu eedeeyay inuu heysto Sarkaalkaan, sidoo kake amarka hubka dhigis guud ah oo ka dhan ah siyaasiyiinta kasoo jeeda goofka Garoowe oo ay u tun wayn-yihiin kooxda Aaran-Jaan ayaa la faray saraakiisha daacada u ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Mr.Cabdi Yare oo wada hub urursi, ayaa xirtay qaar kamid ah wadooyinka xaafada Halgan ee magaalada Garoowe, halkaasoo uu ka dhigtay degaan iyo difaac oo iskaga caabiyo damaca Kooxda Saciid Deni oo xiligaan ku sugan Dalka Zambia.

224840cookie-checkXiisado Ka Dhashay Amar Qabasho oo ka Taagan Magaalada Garoowe