Midowga Afrika oo Walaac ka Muujiyay in Kooxda Shabaabka ay ka Faa’ideysan karto Guurista & Dhimista Ciidamada ATMIS..

Africa News

Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay ee Maleeshiyaadka Shabaabka ay ka geysteen Somalia, kuwaasoo sababay dhimasho badan iyo dhaawac, isla markaasna ay fa’iideysan karaan Guurista Ciidamada ATMIS..

War saxaafadeed kasoo baxay golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika ayaa hoosta looga xariiqday in al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo ammaanka Somalia, “Golaha nabada iyo amnigu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab, oo sababay dhimasho dhowr ah iyo burburka xarumaha muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo hoosta ka xariiqaysa xaqiiqada ah in kooxda Shabaabka ay weli khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida Somalia.”ayaa lagu yiri war murtiyeedka Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Nabada iyo Amniga.

Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto daldaloolo kasta inta lagu jiro ama ka dib dhimista 3000 oo askari oo katirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, haddii aan si miisaaman loo maamulin howsha dhimista, Midowga Afrika waxa uu ku celiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo guulaha nabadda iyo amniga ee Somalia.

Waxa uu bogaadiyay Dowlada Federaalja sida joogtada ah ee ay ugu howlan tahay lahaanshaha iyo hoggaaminta buuxda ee howlgallada xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta deegaannadii la xoreeyey.

277690cookie-checkMidowga Afrika oo Walaac ka Muujiyay in Kooxda Shabaabka ay ka Faa’ideysan karto Guurista & Dhimista Ciidamada ATMIS..