Ciidamadii Gedo Oo Kala Shaki Soo Kala Dhex Galay

Somalia news

Warbixino laga helay Ciidamada Dowladda Federaalka Ee ku sugan Magaalooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in kala shaki uu soo kala dhex galay, kadib markii Ciidamada qaarkood culueysyo lagu saaray in Dhaqdhaqaaqooda la xakameeyo Hubka iyo Saadana laga xareeyo…

Wararka hordhaca ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Ciidamadii ugu Badnaa ee ka soo Jeeda Beelaha Gobolka Benadir iyo Gobolka Dhexe ay isaga soo baxay Aaga Dagaalka Gobolada Gedo, waxeyna si dhuumaleysa ah ku galeen Xuduuda Kenya iyo Ethiopia, kadib markii sida la sheegay ay amaro qalafsan soo saareen Saraakiisha Hogaamisa Ciidamadaasi ayna ku amreen in Hub ka dhigis lagu sameeyo Ciidamadaasi.

Dhanka kale, Waxaa soo baxaayaan xiisado u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska iyo NISA, iyadoo Degmada Waaberi ay ka taagan tahay Cabsi isku dhac ee labadaasi Ciidan, kuwaasoo dhowr jeer ku dagaalamay, waxaana degmada laga dareemay qax.

71450cookie-checkCiidamadii Gedo Oo Kala Shaki Soo Kala Dhex Galay