Muxuu Salka ku Hayaan Khilaafka u Dhaxeeya Turkiga & Sweden ee ku Biiritaanka NATO

World

Ra’iisul wasaaraha dalka Sweden ayaa sheegay in Dalkiisu uusan fulin karin dalabaadka Turkiga si ay uga mid noqoto Isbageysiga NATO, taasoo ah arrin oggolaashaheeda ku xiran tahay Oggolaashaha dhamaan Dalalka ku bahoobay Ururkaasi…

Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa caddeeyay iney fuliyeen shuruudihii ay Dalka Turkiga u gudbiyeen intoodii badneyd balse aysan awoodin ama aysan diyaar u aheyn iney fuliyaan qeybo ka mid ah dalabka Turkiga, Dalabyada ayaa waxaa ka mid ah iney Turkiga u gacan geliyaan Xubnaha Taageera Ururka PKK iyo kuwo kale oo Dowladda Turkiga Mucaarad ku ah.

Xubnaha ay Dowladda Turkiga aadka u dooneyso waxaa ka mid ah Wariye lagu magacaabo Bulent Kenes, iyadoo Maxkamadda Sare ee Sweden ay soo saartay Go’aan ay ku diiday in aan loo oggolaan karin in loo gacan geliyo Weriyahaan Dalka Turkiga, Maamulka Ankara ataa Saxafigaan ku eedeysay inuu ka mid ahaa Xubnihii Afgambiga ka qeyb qaatay.

Waxaa kaloo ka mid ahaa 33-xubnood oo ka soo jeeda Kurdiyiinta oo Turkiga u doonaayo in loo soo gacan geliyo, Xiisadaan ayaa soo istaagtay heerkii ugu dambeysay, iyadoo Dowladda Turkiga ay sheegtay iney fuluyaan Dalabyadooda Dalalka Sweden iyo Finland si ay uga mid noqdaan Ururka NATO, Sidoo kale Dalka Hungary oo ka caga jiidaayay ataa hadda sheegeen iney u oggolaan doonaan Dalalka Sweden iyo Finland iney ka mid noqdaan Isbahrysigaasi.

236170cookie-checkMuxuu Salka ku Hayaan Khilaafka u Dhaxeeya Turkiga & Sweden ee ku Biiritaanka NATO