NISA Oo Shaacisay In Shababka Ay Yeesheen Horjooge KMG Ah

Somalia news

Hey’adda Sirdoonka Somalia (NISA), ayaa Barteeda bukshada ku shaacisay in Horjooge ku meelgaar ah ay doorteen Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, kadib markii Horjoige Axmed Diiriye ay la soo daristay xaalad caafimaad darro…..

Qoraalka kooban oo ka soo baxay hay’adda sirdoonka (NISA) ayaa lagu sheegay in hoggaanka shabaab lagu wareejiyay Horjooge Abuukar Aadan oo ku xigeen u ahaa Axmed Diiriye.

Sidoo kale NISA ayaa xustay in loolan adag loogu jiro magacaabista Horjoogaha cusub ee Kooxda Shababka, oo ay tilmaantay inay ku hardamayaan labo garab oo kala safan Mahad Karatey iyo Axmed Diiriye.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya in Kooxda shabaab Horjooge ku meelgaar ah doorteen, marka laga reebo warka hay’adda sirdoonka, Warar badan oo horey u faafiyeen Mas’uuliyiinta hay’adda sirdoonka ayaa run ahaantooda weli su’aalo ka taagan yihiin.

57380cookie-checkNISA Oo Shaacisay In Shababka Ay Yeesheen Horjooge KMG Ah