Qarax Miino Oo ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus uu goor-sii horeysay ka dhacay degaanka Kala-beyr oo hoostaga caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, kaasoo la sheegay inuu dhaliyay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxa ayaa ka dhacay meherad ganacsi oo ku taalla degaanka kor ku xusan, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho hal Qof iyo dhaawac ah 3-kale oo laba ah yihiin Askar loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, wuxuuna gilgilay degaanka, iyadoo Qaraxaani uu sidoo kale sababay dab xooggan oo qabsaday goobo ganacsi oo ku dhow meherada uu dhacay, kaasoo hada fidaya.

239770cookie-checkQarax Miino Oo ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com