Xiisado Colaadeed io Xoogan ayaa laga soo Sheegayaa Degmada Cadaado

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee Gobolka Galgudud ayaa sheegaya in Xiisado colaadeed ayaa laga soo sheegaya Degmada Cadaado una dhaxeeya Ciidamo ay horjacayaan Gudoomiyaha Degmad kuwaasoo ugu baaqay Nabadoonadii ka yimid Xaradheere iney is dhiibaan si Nabad ah…

Wararka ayaa sheegay in Saakay uu hoygiisa ku qabtay shir Jaraa’id Nabadoonka labada aag isla markaasna Nabadoon u ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Odayaal kuwaasoo sheegay iney la soo heshiiyeen Kooxda Shababka isla markaasna la fasaxaayo Dadka laga afduubay Beesha Cadaado iyo Gadiidka Xoolaha.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Qorqor uu Ciidamo ka kala Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Konfurta Gaalkacyo si loo soo qabto Odayaashaan kuwaasoo Makeeshiyaad ku jufo ay difaacyo kaga jiraan Hoyga Nabadoon Cumar Finiinto, waxaana ka sheegay in Waan waan ay wadaan Odayaal iyo Waxgaradka degaanka ah si loo baajiyo inuu dhiig ku daato.

https://fb.watch/hDKK9R2sig/?mibextid=6aamW6

Update news:- Odayaasha waa la soo qabtay waxaana loo qaaday Dhuusa mareeb kadib Mogdishu ayaa laga soo dejinayaa

233160cookie-checkXiisado Colaadeed io Xoogan ayaa laga soo Sheegayaa Degmada Cadaado
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com