Qarax Lagu Weeraray Dhalinyaro Dooneysay iney ku Biiraan Ciidamada Dowlada

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Is-miidaamin ah ayaa saakay ka dhacay Xarun lagu tababaro Ciidamada ee Warshada nacnaca oo ku taala wadada aada deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho…

Wararka ayaa sheegay in Qarax oo noociisu ahaa ismiidaamin waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa kaasoo beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka oo xilligaas lagu diiwaangelinayey xerarada, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaana ku geeriyooday 32-Qof halka dhaawacana lagu qiyaasay iney kor u dhaafayaan 40-Qof.

Ciidamada Amaanka ee dowladda iyo Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxeyna wadaan baritaano kala duwan, mana jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

215380cookie-checkQarax Lagu Weeraray Dhalinyaro Dooneysay iney ku Biiraan Ciidamada Dowlada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com