Sirdoonada Qatar & Ethiopia Oo Ku Howlan Fududeynta Safarka Fahad Ee Mogadishu

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Villa Somalia oo kaashanaaya Sirdoonada Qatar & Ethiopia ay wadaan qorshayaal qarsoodi ah kuwaasoo sahlaaya sidii dib loogu soo celin lahaa Magaalada Mogadishu Agaasimihii hore ee NISA, kaasoo ku xayiran Magaalada Istanbul…

Xogtaan ayaa sheegtay in Dhaqdhaqaaq Ciidan laga dareemay saakay xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu, iyadoo lagu wado in duulimaadka Turkish airlines ay maanta Duulimaad toos ah (Istanbul-Mogadishu) ku keeni doonto rakaab, lamana xaqiijin karo inuu saaran yahay Diyaaradda.

Balse siday ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw Howlwadeenada ka tirsan Villa Somalia sheegay iney ka go’an tahay sidii Fahad si degdeg ah ugu laabto Somalia, kadib marka Turkiga lagu celiyo, Fahad Yaasiin ayaa sida la sheegay isticmaalo baasabooro dalal kala duwan oo uu ku dhoofo, inkastoo uu sito midka Diblomaatiga xiligaan.

141400cookie-checkSirdoonada Qatar & Ethiopia Oo Ku Howlan Fududeynta Safarka Fahad Ee Mogadishu