Puntland Oo U Digtay Warbaahin Maxali Ah

Uncategorized

Maamulka Puntland ayaa digniin adag u jeedisay Warbaahinta maxaliga ah, kadib markii lagu faafiyay warbixino dhan ka ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Dani iyo Dhaqaalaha Dowlada Goboleedka…

Warbixintaan Oo cinwaan looga dhigay “Muxuu Mr.Deni Ka Qabtay Dhaqaalaha Puntland” Oo meeshii ugu hooseysay maraaya, ayaa u muuqata mid beegsi ah, iyadoo aysan ka marneyn Saameynta Madaxtooyada Villa Somalia Oo daaha gadaashiisa ka hageysa.

Afhayeen u hadlay Puntland Mr.Maxamuud Warsame Fuubi ayaa si kulul uga hadlay kuna sifeeyay faaladaasi weerar Dhanka Warbaahinta Lagu soo qaaday Maamulkooda, wuxuuna xusay in warbixintaan lagu xusay dhacdooyin dhowr sano ka hor ah, ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii sumcada looga dili lahaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.

Wuxuuna sheegay in ka qaadi doonaan talaabo sharciga Waafaqsan, Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ee wakhtigiisa Dhamaadka yahay ayaa Saxaafada qaarkood u adeesata iney ku bartilmaameedsato Madaxda iyo Siyaasiyiinta ka aragtida duwan, iyadoo arrimahaasi ku bixiya Canshuurta laga qaado Shacbiga Magaalada Muqdisho.

53160cookie-checkPuntland Oo U Digtay Warbaahin Maxali Ah