Qalalaasaha Iyo Khilaafka Hareeyay Maxkamadaha

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay Waxaa jiray dood dhinaca sharciga ah oo ka dhalatay cidda awoodda u leh Xil ka Qaadista gudoonada Maxkamadaha degmooyinka, iyadoo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uu soo saaray Qoraal, Qabasho iyo xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiye Maxkamadeed….

Gudoomiayaha Maxkamadda Degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa ku gacan seyray Xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Axmed Yuusuf.

Guddoomiyaha Xilka laga qaaday oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aabi ayaa ku doodaya in xilka ay ka qaadi karto oo kaliya Wasaarada garsoorka dalka oo uu sheegay iney markii hore magacowday.

Warqad Qabasho oo lagu soo qabanaayo Gudoomiyaha Maxkamadda oo uu qoray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa gaarsiiyay Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Boliiska sida ay xaqiijiyeen Ilo Xog ogaal ah.

Warar kale ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maxkamadda degmada Hodan uu dhankiisa qoray warqad Waaran ah oo ku socota Gudoomiyaha Maxakmadda Sare, Qalaalaasahaan Dhanka Maxkamadaha ayaa qeyb ka noqonaayo Xasilooni darrada siyaasadeed mida Amni ee Caasimada Muqdisho ka taagan, waxaan muuqtay in Fashilka Maamulka Farmaajo uu gaaray heerkii ugu hooseeyay.

53540cookie-checkQalalaasaha Iyo Khilaafka Hareeyay Maxkamadaha