Qarax Ka Dhacay Magaalada Berdaale

Somalia news

Warar hordhaca ah laga helayaa Qarax xoogan oo ka Suuq ku yaal Degmada Berdaale ee Gobolka Bay, kaasoo la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah…

Ilo Wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay In Qaraxaan uu ka dhacay suuq Jaadka ee Magaalada waxaana ka dhashay khasaare, iyadoo la sheegay iney ku geeriyoodeen 7-Qof Oo rayid ah halka dhaawacba la sheegay inuu 3-Qof oo la sheegay inuu dhaawacyadoodu halis yahay, ilaa hadda cid sheegatay ma jirto.

Waxaana loo badinayaa in Kooxda Argagixisada Shababka ay ka dambeeyaan, Maamulka Konfur galbeed iyo kan Dowladda Federaalka ayaa weli ka hadlin Qaraxaan Dhimashada Sababay.

151530cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Berdaale