Weerar Mindi Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Magaalada Ku Taal Germany

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya Nin aslkiisa Somalia ka soo jeeda oo la sheegay inuu geystay Weerar mindi ah magaalo ka tirsan Dalka Germany, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac loo geystay Dadka degan Magaaladaasi..

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Ninkaan soomaaliga ah oo da’diisa lagu qiyaasay 24-sano ayaa Magaalada Würzbrug ee dalka Germany ku Weeraray toorey Dad rayid ah isagoo Dilay 3 qof wuxuuna dhaawacay 6-kale, iyadoo Ciidamada Amaanka Dalkaasi ay lugaha ka toogteen kadibna qabteen Eedeysanaha kaasoo xaaladiisa ay caadi tahay, Sida ay sheegeen Boliiska Magaalada.

Hey’adda Amaanka Germany ayaa sheegay in Ninkaan xaaladiisa Caafimaad Ee xagga dhimirka la la tacaalaayay kadib markii laga shakiyay hab-dhaqankiiska, Ninkaan ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii wuxuuna ku noolaa Magaalada uu weerarka ka geystay, iyadoo Hey’addaha Caafimaadka ay ka war-hayeen Xaalada Caafimaad.

126220cookie-checkWeerar Mindi Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Magaalada Ku Taal Germany